Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulanka labaad ee wadajirka ah ee kalfadhiga siddeedaad, kaas oo ajandihiisu ahaa Akhrinta Koowaad ee Xeerka Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027-ka.
Kulanka waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxaana ku wehelinayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.
Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannadka 2027-ka ayaa dhan 1,259,238,253 oo doollar (US$), taas oo ka kooban kharashaadka joogtada ah iyo kharashaadka raasumaalka ah. Miisaaniyaddan waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa mudanayaasha labada Aqal u soo bandhigay xeerka miisaaniyadda iyo qaybaha ay ka kooban tahay, isaga oo faahfaahin ka bixiyey qorshaha miisaaniyadeed ee dowladda ee sannadka soo socda.
Intii uu kulanku socday, mudanayaasha labada Aqal ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo la xiriira miisaaniyadda, kuwaas oo ku saabsanaa qodobbo kala duwan oo ku jira qorshaha kharashaadka dowladda. Wasiirka ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aalihii ay xildhibaannadu soo bandhigeen.
Gebagebadii kulanka, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa guddiyada maaliyadda ee labada Aqal faray inay sii ambaqaadaan ka shaqaynta xeerka miisaaniyadda, diyaariyaan Akhrinta Labaad, kadibna dib ugu soo celiyaan Golaha si looga doodo.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ku dhawaaqay in fadhiyada Golaha la hakiyey muddo laba toddobaad ah, sababo la xiriira dhammaystirka hawlaha casriyeynta lagu samaynayo habsami-u-socodka shaqada Golaha.
Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2027-ka ayaa hadda u gudbaysa marxaladaha xiga ee baarlamaanka, iyadoo guddiyada ay door muhiim ah ku leeyihiin dib-u-eegisteeda iyo diyaarinta doodaha ka hor inta aan la gaarin go’aannada kama dambaysta ah.