Baarlamaanka Galmudug oo Goordhow Ansaxiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2020.
Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray 64-mudane iyadoo ay si wadajir ah u shir gudoomiyeen Gudoomiye Gacal iyo labadiisa ku xigeen , Guddiga Maaliyada ayaa laga dhageystay warbixin ku saabsan aqrinta Sadaxaad iyo qodobo laga soo saxey Miisaaniyada kadib doodii Baarlamaanku ka lahaa maalmahaanba , ugu dambeyn 64-mudane oo fadhiga Ku sugnaa ayaa uwada codeeyay ansaxinta miisaaniyada.
miisaaniyada sanadkan 2020 ayaa gaaraysaysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar) halka tii sanadkii hore aheyd 8 milyan oo Dollar.