Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Guddiyo ansixiyay

Kalfadhiga 1aad Fadhigiisa 17aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Gudoomiye kuxigenka 2aad Mahad Hassan Osman ayaa kaqabsoomay Caasimada Hirshabelle ee jowhar

Ajendaha Kulankaan ayaa ahaa Ansixinta Guddiyada Dastuurka iyo Xeer Hoosadka Baarlamanka Hirshabelle kaasoo taarikhdu markii ay aheyd 09 February 2021 xubnaha Guddiyada uu soo Magacaabay Gudoomiyaha  Baarlamanka iyagoona iska dhex doortay Gudoonka Guddiga

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa Xildhibaanada u faah faahiyey sida ay Baarlamanka muhiim ugu yihiin labadaan Guddi sidoo kalena waxuu Gudoomiyaha xusay in Guddiyada kale ee Golahan uu gacanta ku haayo shaqadooda dhawaana la horkeeni Doono Baarlamanka si ay kalsoonida u siiyaan

Gudoomiye kuxigenka 2aad ayaa Xildhibaanada uga jawaabay su,aalo kusaabsan Habraaca loo maray Dhisida Labadaan Guddi

Sidoo kale qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa aragtidooda ku biiriyey Guddiyada maanta Baarlamanka horyimid waxeyna Xuseen inay soo dhaweynayaan Sida muhiimad loo siiyey Guddiyada maanta lasoo hormariyey

Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa xildhibaanada kacodsaday inay ansixiyaan labadaan Guddi si ay u Gutaan waajibadkooda, waxeyna xildhibaanada ku ansixiyeen cod Gacan taag ah, iyada oo ay ogolaadeen 49 Xildhibaan waxaa diiday 5 mudane halka ay ka aamuseen Saddex Xildhibaan.