Baarlamaanka Jabuuti oo qaaday xadka da’da madaxweynaha, Geelle oo u tartamaya muddo-xileedkiisii lixaad.

Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyey wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka dalka, kaas oo meesha ka saaraya xadka da’da ee u diidayay qof 75 sano jir ah inuu u tartamo xilka madaxweynaha.

Go’aankan ayaa fursad u furaya Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo 77 jir ah, inuu mar kale u tartamo doorashada madaxtinimada ee dhici doonta sannadka 2026, taasoo noqon doonta muddo-xileedkiisii lixaad.

Geelle, oo talada haya tan iyo 1999, ayaa ah hoggaamiyaha ugu muddada dheer ee Jabuuti soo mara tan iyo markii ay dalkaasi xornimada ka qaatay Faransiiska sannadkii 1977.

Jabuuti oo leh ku dhowaad hal milyan oo qof, ayaa ka mid ah dalalka ugu yaryar ee Afrika, balse waxay leedahay muhiimad istaraatiji ah oo weyn, maadaama ay hoy u tahay saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin dalalka Mareykanka, Faransiiska, iyo Shiinaha.

Dastuurkii hore ee dalka ayaa dhigayay in musharraxa madaxweynenimada uusan ka weynaan karin 75 sano, hase yeeshee isbeddelka cusub ee baarlamaanku ansixiyay ayaa ka qaaday xayiraaddaas, iyadoo 65 xildhibaan oo fadhiga joogay ay dhammaantood taageereen wax ka beddelka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Dileita Maxamed Dileita, oo u warramay wakaaladda wararka AFP.

Madaxweynaha ayaa haatan haysta laba ikhtiyaar — inuu si rasmi ah u ansixiyo isbeddelka ama uu u diro afti dadweyne. Haddii uu oggolaado, baarlamaanka ayaa mar labaad u codeyn doona arrintaas 2-da Noofambar.

Geelle ayaa bishii Maay wareysi uu siiyay wargeyska The Africa Report ku sheegay inuusan weli gaarin go’aan kama dambays ah oo ku saabsan musharrixnimadiisa, balse uu “dalkiisa jilicsan u jecel yahay” isla markaana uusan doonayn “inuu sababo khalkhal siyaasadeed.”