Baarlamaanka KGS oo isku raacay waqtiga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha

Baydhabo-GNNaFM- Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed maanta oo Isniin ah waxaa kulan ku yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Kulanka Baarlamaanka oo qaatay waqti badan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo la xiriira Howlaha Baarlamaanka, iyada oo maanta kulankaasi lagu soo xiray kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aaadan oo maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn maanta isku raacay in Bisha November 17 ee sanadkan 2018-ka ay dhacdo Doorashada Madaxtinimada.

Xildhibaanada ayaa arrintan ku meel mariyay qaab gacan tag ah, 110 xildhibaan ayaa ogolaatay in Doorashada November ay Madaxweynaha doortaan xildhibaanada Baarlamaanka, halka Saddex xildhibaan ayaa diiday.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa horey waxaa u soo doortay Ergo iyo Odayaal Dhaqameed, balse xildhibaanada ayaa maanta sheegay Doorashadan Madaxweynaha ee soo socota in ay codeyn doonaan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo keliya, sidaasina Madaxweyne lagu dooran doono.