Baarlamaanka Maamulka Hirshabeele Oo Maanta Kulan Yeeshay Ansixiyayna qodobo Muhiim ah

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle, iyaga oo kulanka ku ansixiyey laba xeer oo muhiim ah.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cismaan Barre Maxamed,waxaana xildhibaanada dood dheer kadib ay ansixiyeen Miisaaniyad Sanadeedka Hirshabelle iyo Xeerka Hanti Dhowrka Guud.

Inta uu kulanka socday ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cismaan Barre Maxamed, waxaa uu goobta ku dhaariyey Hanti dhowraha Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle Cabdullaahi Cabdi Bariise.