Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo ka soo horjeestay Taliyeyaal uu magacaabay Waare

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay isku raaceen in ay shaqada ka joojiyaan Taliyeyaal dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Waare.

Sababta ugu weyn ee xildhibaanada u cuskadeen shaqo ka joojinta ayaa waxa ay ku sheegeen in Madaxweynuhu shifo sharci daro ah u maray magacaabistan.

Xildhibaanada ayaa ku doodaya in marka hore ay aheyd in la magacaabo Guddiyada Amniga, lana saxo qodobo ka mid ah Dastuurka oo ay sheegeen in Waare uu ku xadgudbay.

Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay maamulka inuu ku dhisan yahay Dastuur, loona baahan yahay talaabo walba oo la qaadayo in si nidaam ah lagu meel mariyo.

Sidoo kale Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedkii ugu horeeyay ee anisixiyaan tan iyo markii la aas aasay, kaas oo noqday Hindise Sharciyeedka xeerka Maareynta Maaliyada Maamulka Dadweynaha.