Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka oo kulan wadajir ah berri ku leh Xarunta Villa Hargeysa waxaa horyaalla aqrinta 3aad iyo u codeynta Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha.
Mudaneyaasha labada Gole Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la gaarsiiyay fariintaan si ay ugu diyaargaroobaan kulankooda berri ee muhiimka u ah Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee la filayo in ay Dalka ka dhacaan.
Sidoo kale waxaa isla fadhiga aqrinta 2aad lagu marin doonnaa Xeerka ururrada/Xisbiyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Doorashada dadweynaha ka qaybgalaya si loo helo xeer qeexaya oo Baarlamaanku u codeeyay.