Baarlamaanka Soomaaliya Oo dib U furmi doono Maalin Kadib.

Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka 11aad oo lagu wado in uu furmo Isniinta 29-ka Sebteembar 2025

Maalinta Isniinta ee 29-ka Sebteembar 2025, ayaa la filayaa in si rasmi ah uu u furmo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay Guddoonka Baarlamaanka.

Diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ku aaddan furitaanka kalfadhigan ayaa socda, iyadoo la filayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu dalka dib ugu soo laabto saacadaha soo socda. Madaxweynaha ayaa haatan ku sugan dalka Maraykanka, halkaas oo uu uga qaybgalay shirka 80-aad ee Golaha Qaramada Midoobay.

Sida uu dhigayo Qodobka 90-aad ee Dastuurka KMG ah ee dalka, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furaya kalfadhiga, isagoo Baarlamaanka hortiisa ka jeedin doona khudbad dastuuri ah oo uu kaga hadlayo waxqabadka dowladda, xaaladda dalka, iyo dardaaran uu u jeedinayo labada Aqal ee Baarlamaanka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu diyaar u yahay in uu dalka dib ugu soo laabto si uu u furo kalfadhigan, kaas oo dhowr jeer horay dib u dhacay.

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in ay dalka dib ugu soo laabtaan, si ay uga qaybgalaan furitaanka kalfadhiga. Qaar kamid ah mudanayaasha ayaa wali ku sugan dibadda.

Furitaanka kalfadhigan waxa uu kusoo beegmayaa xilli ay jiraan dareenno siyaasadeed oo xooggan, iyadoo horey loo waday mooshinno ay wadeen qaar kamid ah xildhibaannada, halka mucaaradkuna uu ku howlan yahay olole siyaasadeed oo xooggan.