Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gudoomiye u doortay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiramaan

Waxaa Goordhow soo gaba gaboobay tirinta codadka doorashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya xilkaas oo uu iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Doorashadaan ayaa waxaa ku tartamayay Maanta 10 musharax,waxana Wareegii 1aad ku haray 6 musharax,waxana soo haray 4 Musharax  balse intii aan la guda gelin Wareegii labaad ayaa waxaa tanaasulay labada musharax ee Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Shariif Maxamed Cabdalla.

Wareega labaad ayaa waxaa ku tartamay  labada musharax ee kala ah Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yaroow,waxana labada musharax ay kala heleen Ibraahim Isaaq Yaroow 118 cod iyo Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan oo helay 147 Cod

Ku simaha Guddoomiyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabduweli Ibraahim Muudeey ayaa ku dhawaaqay natiijada isaga oo sheegay in uu ku guuleystay xilka guddoomiyaha Golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo horay isaga casilay xilka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.