Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in ay qaadayaan tillaabo sharciga la xiriirta, ka dib markii Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ay xarruunta golaha shacabka waxyeello ugu geysteen askar ka tirsan ilaalada golaha.
Hab-dhawraha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan oo booqday askari ku dhaawacmay buuqii shalay ka dhacay xarruunta baarlamaanka ayaa sheegay in xasaanad xildhibaannada aysan keeneyn in ay waxyeelo u geystaan askarta sugeysa Amnigooda.
Hadalka Habdhowraha ayaa ku soo aadaya xilli buuq kooban oo ka dhacay gudaha golaha waxyeelo ka soo gaartay askar ka tirsan ciidamada ilaalada iyo howlwadeenno kale.