Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel Mariyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Xildhibaannada labada gole ee baarlamaamka oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay Muqdisho ayaa meel-mariyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha ee ay xalay soo magacaabeen golaha wasiirada Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay guddiga doorashooyinka, waxaana ogolaaday 169 Mudane, waxaa diiday 6 xildhibaan, mana jirin xildhibaan ka aamusay, sida uu shaaciyay guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Intaas kadib xubnaha guddiga doorashada oo ka kooban illaa 18 xubnood ayaa isla fadhiga maanta lagu dhaariyay, si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaaday.

Dhinaca kale, waxaa kulanka inta uu socday hareeyay buuq ay sameeyeen xildhibaannada qaar oo gacmaha iskula tegay, sida laga arki arko muuqaalo ka yimid baarlamaanka.