Guddoonka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in fadhigii maanta ee Baarlamaanka si rasmi ah loogu dooday qodobbo la xiriira wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah.
Si kastaba ha ahaatee, fadhiga ayaa ku billowday buuq xooggan iyo dood kulul oo u dhexeysay qaar ka mid ah xildhibaanada, taas oo sababtay ismari-waa iyo hakad ku yimid habsami-u-socodkii kulanka. Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa muujiyay walaac iyo diidmo ku aaddan habka loo wado wax-ka-beddelka Dastuurka, halka kuwo kalena ay taageereen in dooddu sii socoto.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa marar kala duwan ku baaqay in la ilaaliyo nidaamka iyo kala dambeynta fadhiga, isagoo xildhibaanada ku dhiirrigeliyay in aragtidooda ku cabbiraan si waafaqsan xeer-hoosaadka Golaha. Inkastoo dadaalladaas, haddana buuqa iyo khilaafka ayaa sii socday, taas oo keentay in fadhiga dib loo hakiyo.
Ugu dambeyn, Guddoonka Baarlamaanka JFS ayaa sheegay in doodda wax-ka-beddelka Dastuurka ay tahay arrin qaran oo u baahan wada-tashi ballaaran, isla markaana la qorsheynayo in fadhiyo dambe dib loogu laabto ajandaha si loo sii ambaqaado wada-hadallada.