DHAGEYSO:Baarlamaanka Soomaliya Oo Meelmariyay Go’aan Dalka Looga Mamnuucay Shirkada DP World

Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya ayaa Maanta kulan xasaasi ah waxa ay ku yesheen Magaalada muqdisho,kulankaas ayaa intiisa badan looga hadlay heshiiskii Sadex geesoodka ahaa ee dekada Magaalada berbera.

Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay heshiiskaas oo ay wada saxiixdeen Dowladda Itoobiya Maamulka soomaaliland iyo Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Dood kadib 168 Xildhibaan ayaa ansixiyay Xeer dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Xeerkaan oo Nuqul ka mid ah ay heshay warbaahinta  ayaa sheegayaa in Shiradda ay ku xadgudubtay Madax banaanida iyo midnimada dlaka Soomaaliya sidaas daraadeedna dalka laga mamnuucayo.

Waxaa sidoo kale Xeerka ka mid ah in heshiiskasta oo lagelayo ay masuul ka tahay dowladda Federalka Soomaaliya intaasi kadibna baarlamaanka Soomaaliya lamarsiinayo.

Waxaa kaloo xeerkan lagu xusay in marka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka uu Madaxweynaha ku meel marin doono xeer Madaxweyne, laguna soo saari doono faafinta rasmiga ee Jamhuuriyadda Federaalka

Sidoo kale qodobada Xeerka ku jira ayaa ah kuwa calculus oo ay ka mid yihiin in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu Go’aankas gaarsiiyo Madaxda Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa aqriyay xeerkaan.