Baarlamanka Maamulka Puntland Oo Maanta kulmaya

Golaha Wakiilada maamulka Puntland ayaa manta kulan kul yeellanaya xaruntooda magaalada Garoowe waana kulankoodii caadiga ahaa oo ka mid ah Fadhigoodii 20-aad kalfadhigooda 43-aad waxa ayna warbixin ka dhageysan doonaan xafiiska difaca xuquuqda aadanaha ee maamulka Puntland.

Warbixinta ayaa ah mid sanadla ah waxaana xafiiska difaca xuquuqda aadanaha Puntland ay faahfaahiyaan shaqooyinkii ay qabteen sandkii ay shaqenayeen,iyada oo baarlamaankuna ay ka doodi doonaan marka ay djageystaan kadib.

Baarlamaanka Puntland ayaa shalay codka kalsoonida ah siiyay Golaha cusub ee wasiirada maamulkaas oo dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha maamulkaas Siciid C/llaahi Deni,isaga oo golaha ka hor jeediyay Barnaamijkiisa siyaasadeed xukuumaddiisa.