siyaasiinta, waxa ayna horseeday in ay ka dhalato xiisada Dagaal ee maanta ka taagan Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.
Fadhiga Baarlamanka Puntland oo ay soo xaadireen 35 Mudan, waxaa ogolaatay 34 Xildhibaan, hal Xildhibaane waa diidday, cid ka aamustayne majirin, waxaana sidaasi ansax ku noqday soo jeedint ahayd in wax laga beddelo Dastuurka Maamulaka Puntland sida uu shaaciyey shir gudoonka kulanka maanta.
Dhinka kalena, xili Baarlamaanka Maamulaasi Puntland uu meel marinayey soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka, waxa uu Dagaal culus oo Hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo uu ka socdaa Gudaha Magaalada Garoowe kaasi oo u dhaxeeyo Ciidamada Maamulka iyo Ciidamo taabacsan Mucaaradka iyo Siyaasiinta oo si weyn uga horyimid Hanaanka Hugaamineed Madaxweyne Saciid C/laahi Danni.
Inta la xaqiijiyey Hal ruux ayaa ku geeriyooday seddex kalane waxa kasoo gaaray dhaawac iska hormiyaadka ka socda Magaalada garoowe, waxaa mar qura istaagay isku socodkii Ganacsiga, Gaadiidka iyo Howl maalmeedkii kale ee ka socday Magaalada.
Maamulka Puntland iyo Mucaaradka wali kama aysan hadlin Dagaalka saaka ka qarxay Garoowe, waxaana laga maqlayaa Magaalada dhawaqa Rasaasta ay isku adeegsanayaan dhinacyada.