Baarlamanka puntland Oo dhegeysanaya Hadal jeedinta Musharixiinta

Xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulka Puntland ayaa lagu waddaa in ay maanta bilaabaan dhageysiga Khudbaddaha ay jeedinayaan musharaxiinta xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in ay diiwaan-geliyeen 21 murashax madaxweyne iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeen,kuwaasoo buuxiyay shuruudaha ku cad habraaca doorashada ee Dastuurka loo cuskaday.

Maalinta berri ah ayaa lagu waddaa in magaalada Garowe ay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.