Bahda Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo ka tacsiyeysay Geerida Xanuunka badnayd ee ku timid Walaalkeen Marxuum C/fitaax Macalin Qays.

TACSI

Dhamaan bahda Warbaahinta Soomaaliyeed ee ku midowday Dallada Somali Media Association -SOMA waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada, Asaxaabta iyo Bahda Warbaahinta oo uu ka baxay Allaha Unaxariistee walaalkeen Marxuum Cabdifitaax Macalin Nuur (Qeys) oo ka tirsanaa Daladda SOMA sidoo kalane ahaa Agaasimihii Somali Cable TV xaafiiskiisa Caasimada Muqdisho oo caawa ku Geeriyooday Qaraxii ka dhacay Maqaayada Blue Sky oo ku taala Degmada Boondheere gaar ahaan agagaarka taalada Xaawo-taako Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Mohamed Osman Makaran ayaa tacsi u diray dhamaan Qoyska iyo bahda Warbaahinta Geeridii xanuunka badneed ee ku timid Walaalkeen Cabdifataax Macalin Nuur Qeys, marxuumka waxa uu ahaa Shaqsi fir fircoon, Degan, oo Aqoonyahan Cilmigiisa ugu adeegay Bulshada Soomaaliyeed, si gaar ah Marxuum qays waxa uu ahaa qof Ahlu Diin ah”

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.