Bajaajle lagu toogtay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Wiil dhalinyaro Mooto Bajaajle ah oo galabta lagu dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir gaar ahaan Suuqa Beerta.

Dadka degaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen dilkan inuu yimid kadib markii askariga iyo wiilka Mootada watay ay wada murmeen, intaasi kadibna ay xigtay rasaas uu askariga ku furay ninka dhalinyarada ahaa, taasi oo sababtay inuu meesha ku geeriyoodo.

Askariga oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa dilka kadib waxa uu ka baxsaday goobta, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka oo sameeyay hawlgal lagu baadigoobayo gacan ku dhiiglaha dilka geystay.

Saraakiisha ciidamada ammaanka Soomaaliya wali kama aysan hadlin falkan dilka ah ee askarigan uu kula kacay ruuxa watay Mooto Bajaajta oo aan waxba galabsan.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan shacabka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo Qoryaha ay wataan ku dhibaateeya shacabka.