Banaan bax ka dhacay Muqdisho

Banaanabaxaan oo lagu taageerayo go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay shalay ku ansixiyeen mataalada uu Gobolka Banaadir ku yeelayo Aqalka Sare ayaa waxaa uu ka socdaa meelo kamid ah Muqdisho.

Qaar kamid ah Shacabka Muqdisho oo la soo abaabulay kana yimid degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay banaanbax ka dhigayaan taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Dadka banaanbaxa dhigaya oo u badan haween ayaa waxaa ay wataan boorar kala duwan,waxaana Goobjoog ka ah Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolkan Banaadir.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in banaanbaxa uu tegi doono,isla markaana uu banaanbaxayaasha khudbad u jeedin doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.