Banaan bax Kadhacay Degmada Luuq Oo looga Soo horjeedo Xariga Wasiir Janan

Shacabka ku nool degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa ay dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedaan xarig shalay dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ugu geysatay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan).

Dadweynaha oo isugu jiray Haween, Carruur iyo dad kale ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee degmada luuq , iyaga oo wata boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ka mid yihiin (DAMACA SIYAASADEED & DULMIGA LAGU HEYSTO WASIIRKA WAAN DIIDNAY) iyo Erayo kale.

Qaar ka mid ah waxgaradkii ka qyeb-galay banaanbaxa ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inay wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur ay si deg deg ah xurriyadiisa u siiyaan.