Banaan bax kadhacay Muqdisho

Ciidamada Booliska degmada Cabdicasiis ayaa dhaawacay labo ruux oo ka mid ah dad Shacab ah oo Banaabax dhigaayay,kuwaasoo kasoo horjeeday Lacago Baad ah oo sheegay in ay ka qaadaan maamulka gobolka Banaadir.

Dadkaan ayaa sheegay in xubno ka tirsan Ciidamada Ammaanka ay dhibaato ku hayaan Suuqa Kalluunka ee Kulmis, xilli ay sheegeen in ay si joogto ah u bixiyaan Canshuuraha ku waajibay.

Dadkaan waxa ay sheegeen Markii ay muujiyeen dhibaatada lagu haayo in Ciidamada Ammaanka ay ka dhaawaceen Labo ruux  oo ka mid ahaa dadka Xoogsatada ah ee ka Kalluumeysta Badda.