Banaan bax looga soo herjeedo Maamulka kaxda Oo kadhacay Degmadaasi

Qaar ka mid ah shacabka ku nool degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa maanta waxa ay dhigeen banaanbax ay kaga soo horjeedaan mamulka degmada Kaxda.

Banaanbaxan oo xoogiisa uu maanta dhacay ayaa maalmahan waxaa socotay qaban qaabada ku aadan banaanbaxan, waxaana wadooyinka waa weyn ee degmadaasi isugu soo baxay dadweyne u badan haween iyo caruur.

Sawirro laga soo qaaday dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay muujinayeen dhalinyarada oo gubaya lugaha baabuurta, islamarkaana wadooyinka waa weyn ku jaray dhagaxaan oo aysan shaqeyneyn gaadiidka iyo goobaha ganacsiga.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ay kaga soo horjeedaan maamulka degmada Kaxda, waxayna ka soo horjeedaan laba nin oo todobaadkan bilawgiisa ciidanka booliska ay ku dileen gudaha degmadaasi, kuwaasi oo saraakiisha ciidanka ay ku sheegeen inay ahaayeen burcad, balse dadka degaanka ayaa ku doodaya in dhalinyarada la dilay ay ahaayeen kuwa degaanka ah oo aan burcad aheyn.

Wararka aan ka heleyno degmada Kaxda ayaa waxa ay sheegayaan in xarunta maamulka degmada ay xiran tahay oo aanay ka socon wax shaqo ah, maamulka degmadana uusan imaan tan iyo markii ay dhacday shaqaaqada lagu dilay dhalinyaradaasi.

Ilaa hadda maamulka gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo gudoomiye C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) arrintan ma aanay soo fara gelin, iyada oo laga cabsi qabo in carada shacabka ay sababto inay dhibaatooyin ka dhashaan.