Banaan Bax looga Soo horjeedo Cuna qabateyn tii Dowlada dhexe ay Saartay Kismanyo Oo kabilawday Jubbland

Dibadbax ballaaran oo ay dhigayaaan shacabka Jubbaland ayaa haatan ka soconaya guud ahaan magaalada Kismaayo,waxaana saaka xiran dhammaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga magaalada.

Banaanbaxan ayaa looga soo horjeeda cunaqabataynta iyo xayiraadda diyaaradaha magaalada Kismaayo kaas oo ay dowladda Federaalka Soomalaiya ku soo rogtay deegaanada Jubbaland.

Kumannaan Shacab ah ayaa iskugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada Kismaayo.