Banaan bax looga Soo horjeedo Xeer Ay Ansixiyeen golaha Wakiilada Soomaaliland Oo kadhacay Gebiley

Wararka laga helayo Magaalada Caynaba oo ka mid ah deegaanada Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay banaanbax ay dhigayeen qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaaladaas.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa la sheegay inay ka cabanayeen Xeer shalay ay ansixiyeen golaha Wakiilada  Soomaaliland kaas oo ku saabsanaa in Magalada Gibilay oo ay ka wada tirsan yihiin gobolka Saraar  laga dhigay Darajada A oo u dhiganta Magalada Madaxda Gobolkaas.

Boqolaal ka mid ah Shacabka iyo waxgaradka Magaalada Caynaba ayaa isugu soo baxay wadooyin ka mid ah Magaladaas,iyaga oo gubaya taayaro,waxaana gebi ahaanba istaagay isku socodka gaadiidka iyo qeybaha kala duwan ee Ganacsiga.

Qaar ka mid ah dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay sheegeen in Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay uga baxday balan qaad ay horay ugu sameeyeen,isla markaana aysan fulin qorshii loo doortay.

Sidoo kale Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay Gacmaha ku sitaan boorar ay ku qoran yihiin halku-dhigyo ka dhan ah Madaxda Soomaaliland,waxaana Maanta banaanbaxaas siweyn looga dareemay Magaalada Caynaba.

Shalay warqad kazoo baxday Madaxtooyadda Soomaaliland ayaa laga dalbaday Golaha wakiilada Soomaaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha in Magalada Ceynaba la siiyo Darajada B, hayeeshee taasi ay ka biyo diideen,isla markaana maanta ay banaanbax dhigeen.