Banaan baxyo iska Soo horjeeda Oo Kadhacay Dhuuse-mareeb

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Casimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay ka bilaawdeen laba Banaanbax oo iska soo horjeeda.

Banaanbaxyada ka socda Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu taageerayaa dowladda federaalka Soomaaliya,halka mid kalena looga horjeedo.

Dadweyne farabadan oo kamid ah Bulshada Dhuusamareeb ayaa isugu soo baxay Waddooyinka Magaalada,kuwaasi oo isugu jira haween,dhalinyaro caruur,isla markaana dhigaya Banaanbaxayada iska soo horjeeda.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka dhigaya Bananbax looga hojeedo dowlada ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin Erayo ah (Daneyste dooni meyno) iyo Erayo kale.

Banaanbaxa ka socda Magalada Dhuusamareeb ee Casimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa yimid,kadib markii shalay Ahlusunna shaacisay inuu burburay Heshiiskii u dhexeeyay dowladda iyo Ahlusunna,hayeeshee waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in dowladda aysan ka bixin qodob kamid ah 10-kii qodob ee dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay wada saxiixdeen.