Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu Maanta ka dhacay dibadbax ay dhigayeen qaar kamid ah bulshada ku nool Magaaladaas.
Dadka ayaa waxaa ay banaanbaxooda uga soo horjeedaan diidmada lacagta Shillinka Soomaaliga oo maalmihii la soo dhaafay ay isticmaalkeeda diideen ganacsatada Magaalada Garoowe.
Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay wadooyinka ku gubeen taayaro, iyaga oo sidoo kale fujiyay boorarka sawirka Madaxweynaha Puntland ee ku dheganaa bartamaha magalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal.
Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen inay dhibaatooyin ku qabaan diidmada laga muujiyay qaadashada lacagta shillinka Soomaaliga, iyaga oo qaarkood ku dhawaaqay dooni meyno xukuumadda Madaxweyne deni
Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ay ugu baaqeen inay waxka qabato sicir bararka iyo dadka diidaya isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga oo degaano badan oo ka tirsan puntland laga diiday.
Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo mas’uuliyinta kala duwan ee Maamulkaas ayaa dhowr jeer waxaa ay soo saareen Amaro la doonayo in looga hortago diidamada lacagta Shillinka Soomaaliga balse aysan dhaqan gelin.
Banaanbaxan maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli la filayo inay Maanta halkaasi tagaan qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ee Mucaaradka.