Banaan baxyo kabilawday Itoobiya

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka socda banaan bax weyn oo looga horjeedo dilkii xalay loo geystay Fanaan ka mid ahaa Qowmiyadda Oromada, islamarkaana hormuud ka ahaa banaanbaxyadii ka dhacay Itoobiya Sanado ka hor.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa gubay goobo muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Addis ababa oo taalooyin ay ka mid yihiin.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shacabka tacsiyadeeyay geerida fanaankii caanka ah ee Haacaaluu Hundeessaa oo xalay lagu dilay magaalada Addis Ababa, waxaa uu sidoo kale dadka ugu baaqay in ay isdejiyaan.

Abiy Axmed ayaa geerida heesaagan ku tilmaanay in dalkaasi uu waayay ruux qaali ah.

Warka ku saabsan dilkiisa ayaa waxaa si weyn uga naxay bulshada Itoobiya iyada oo dad badan oo Itoobiyaan ah ay u baroorteen geeridiisa, oo ay cambaareeyeen dilka.

Taliyaha Booliska Magaalada Adis ababa ayaa sheegay in dhowr qof loo qabtay tuhun ah in ay dilka ka dambeeyeen dilka.