Banaanbax xooggan ayaa hadda ka socda Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho, waxaana Banaanbaxyadda ay gubayaan Taahiro, islamarkaana banaabaxa ayaa ah Mid rabshado wata.
Isgoyska Lambar 4 ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray Banaabaxayeyaal xooggan, kuwaasoo dalbanaya in dowladda Soomaaliya ay wax ka qabato dhibaatadda lagu haayo dadka Shacabka.
Banaanbaxa ayaa ka bilowday dil Saaka Isgoyska Howlwadaag loogu geystay Wadde Mooto bajaaj iyo qof Shacaba ah oo la socday.
Ciidanka dowladda ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan Banaanbaxayeyaasha oo ku qeylinaya Erayo ka dhan ah dowladda Soomaaliya.