Banaanbax ka Dhacay Nairobi

Ardaydii horey u dhigan jirtay dugsiga sare ee gabdhaha ee Moi Girls ee dalka Kenya ayaa dibadbax ka dhigaya afaafka hore ee iskuulkaasi ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Sabtidii halkaasi lagu kufsaday arday.

Ardayda ayaa sheegay in saddex nin ay soo galeen qaybta ay gabdhaha seexdaan ee iskoolka ayna tacadiyo dhanka galmada ah u gaysteen mid ka mid ah gabdhaha islamarkana laba gabdhood oo kale ay ka baxsadeen.

Qaar ka mid dibadbaxayaasha ayaa xiran dharka iskuulka halka kuwa kalana ay sitaan boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo.

Mid ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa iska dhigaysa in ay uur leedahay waxa ayna ku heesaysaa luuqada sawaaxiliga, “cunuga aan dhalo mala laha xuquuq.”