Banaanbax ka dhacay Woqooyiga Gaalkacyo oo Looga soohorjeedo Maamulka Somaliland

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi uu ka dhacay Banaanbax Ballaaran oo looga soo horjeedo maamulka Somaliland.

Qaar ka mid ah Shacabka Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay doonayaan in la joojiyo Xiisadda ka taagan degaanka Tukara ee gobolka Sool.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Somaliland ay kusoo xadgudubtay dhulka Puntland.

Maalmihii lasoo dhaafay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland waxa dadka Shacabka ah ugu baaqaayay in ay sameeyaan Banaabax looga soo horjeedo maamulka Somaliland.