Banaanbax ka socda Magaalada Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo diidmada Shilinga Soomaaliga.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Bulshadda kunool Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay ganacsatadda magaalada ay diideen in ay qaataan lacagta Shilinga Soomaaliga.

Qaar kamid ah Ganacsatada haweenka ah ayaa hormuud u ahaa dadka dibax dhigayey kuwaasoo muujinayey sida ay uga xunyihiin diidmada shilinka Soomaaliga ah gudaha magaalada Gaalkacyo.