Banaanbax ka socda Muqdisho

Fagaaraha dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye waxaa haatan ka socda banaanbax uu soo qaban qaabiyey Maamulka gobolka Banaadir,kaas oo looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galaya Maamulada kala duwan ee degmooyinka Gobolka Banaadir Haween iyo dhalinyaro u badan kuwa laga soo aruuriyey degmooyinka iyo madax kale.

Dadka banaanbaxa ka dhigaya fagaaraha Iskuul Bulusiya ayaa waxaa ay wataan Boorar ay ku qoran yihiin(SOO SHEEG AL-SHABAAB,ARDAYDEENA WAA MUSTAQBALKEENA IYO TURKIGA WAA WALAALAHEENA).

Banaanbaxa ayaa Maamulka gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in loogu baroor diiqayo dadkii ku geeriyoodey qarixii ismiidaaminta ahaa ee 28-kii Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 2019 ka dhacay Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Muqdisho.

Amniga halka uu ka socdo banaanbaxa ayaa aad loo adkeeyey,waxaana baaritaano xoog leh lagu sameynayaa cid kasta oo galeysa Xarunta kana qeyb qaadaneysa banaanbaxa looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Sidoo kale mid lamid ah banaanbaxaan ayaa waxaa uu haatan ka socdaa Isgoyska uu qaraxa ka dhacay ee Ex-Koontorool Afgooye ee Magaalada mqudisho,waxaana banaanbaxayaasha ay taayaro ku gubeen bartamaha laamiga.