Bandaw horay loogu soo rogay kismaanyo oo laga qaaday

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Maanta dib looga qaaday Bandowgii dhawaan Guddiga amniga dowlad Goboleedka Jubbaland uu ku soo rogay,kadib markii halkaas lagu qabtay Doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Waxaa dib loo furay dhammaan Cirka,dhulka, Badda iyo Xuduudaha Magaalada Kismaayo ee la xiray 20-kii Bishan,iyadoo Maanta dib u bilaawdeen dhaq-dhaqaaqyadii ganacsi ee jiray Magaalada.

Sidoo kale Garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo xarumaha maamulka Jubbaland ayaa dib u shaqa bilaabay,iyadoo dhawaan Guddiga amniga maamulkaas uu sheegay in la xerayo ilaa inta socoto Doorashada Madaxtinimada Jubbaland,taasi oo dhacday Khamiistii la soo dhaafay.

Magaalada Kismaayo  ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ka dhacay dibad baxyo lagu taageerayay, dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.