Bandaw xalay kadhaqan magaalada Jigjiga

Wararka aan ka heleyno magaalada Jigjiga ayaa waxa ay sheegayaan in xalay bandow lagu soo rogay isu socodka dadweynaha, islamarkaana la hakiyay dhaqdhaqaaqa magaalada.

Ciidamo aad u badan ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka waa weyn ee magaalada iyo xaafadaha, kuwaasi oo dadka ku amrayay inay guryahooda ku laabtaan, ilaa waaga uu ka baryana aysan banaanka u soo bixin.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in magaalada uu ka jiro dhaqdhaqaaq shacabka dhexdiisa ah, dibad baxyo ayaa la abaabulayay maalmahan balse waxa loo dibad baxayo si dhab ah looma oga.

Dhinaca kale waxaa ilaa shalay baraha bulshada dhex socday sawirka calanka Amxaarada oo xaafad magaalada Jigjiga ka mid ah ka soo muuqday, waxaana soo baxayay barayahan dambe dareen cusub oo calankaasi uu abuuray.

Bandowga Jigjiga lagu soo rogay ayaa u muuqda mid ka yimid culayska xukuumada Ethiopia dhinac walba ka saaran waana arrin iska cakiran marka la eego talaabooyinka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu shaqadiisa ku bilaabay.