Bangiga adduunka oo Malaayiin Dollar ugu Deeqay Soomaaliya

Guddiga  Sare ee Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay lacag dhan $125 milyan oo Doolarka Mareykanka ah oo loogu talagalay maalgelinta siyaasadda horumarinta dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Madaxda sare ee Bankiga adduunka ayaa sheegay in lacagta ay uga goleeyihiin in ay taageeraan dhaqaalaha Soomaaliya sidii u kobci lahaa, isla markaasna loo maalgalin lahaa ganacsiyada yar yar.

Bayaan ka soo baxay Bankiga Adduunka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhaqaalaha ay bixiyeen lagu taageerayo dadaalada wax ka qabashada isbadalka cimilada, maalgalinta beeraleyda, kalluumeysatada iyo dhiirigalinta ganacsiyada yar yar.

Deeqdan, oo ay bixiyeen Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale waxaa qorshaha ugu muhiimsan yahay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, isla markaasna gargaar loo gaarsiin lahaa xoolo-dhaqatada Soomaalida.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in uu aad uga mahadcelinayo kaalmada waqtigeeda ku soo beegantay, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay qorshaha horumarinta dalka.

Bankiga adduunka ayaa kamid ah hay’addaha beesha caalamka ee dowladda Soomaaliya ka taageera dhinac horumarinta iyo maalgashiga.