Muqdisho – Bilan Media
Baraha bulshada waxay noqdeen aalad awood badan leh oo dadka Soomaaliyeed ay si ballaaran u adeegsadaan. Hase yeeshee, waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo isticmaal xumo iyo dhaqan-darro ku soo kordhaya bulshada, gaar ahaan marka ay timaaddo barnaamijyada laga daawado aaladaha sida TikTok.
Waxaa mar dhoweyd si rasmi ah loo xidhay koox gabdho ah oo lagu eedeeyay in ay baraha bulshada ka wadeen falal kicin bulsho ah. Booliska Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay tallaabo sharci ah ka qaaday arrintan, waxaana gabdhahaasi la hor geeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, taas oo ugu dambeyn ku xukuntay mid kasta lix bilood oo xarig ah. Si kastaba, xukunkaas kaddib lama caddeyn in gabdhahaas la cafiyay iyo in kale, iyadoo si hoose dib loogu sii daayay.
Ururka Somali Resilience Initiative (SRI) ayaa qabtay dood furan oo lagu falanqeeyay arrintan, iyadoo diiradda la saaray sida loogu wacyigelin karo bulshada, gaar ahaan haweenka, isticmaalka wanaagsan ee internet-ka iyo baraha bulshada. Caasha Cabdullahi, afhayeenka ururka SRI, ayaa sheegtay in waqtigu yahay mid ku habboon in arrimaha noocan oo kale ah laga hadlo.
“Barnaamijka wuxuu diiradda saarayay kor u qaadista fahamka haweenka ee sida wanaagsan loogu adeegsado internet-ka. Waayadan dambe, dhalinyaro badan oo TikTok isticmaala waxay baraha bulshada uga hadlayaan qabyaalad, kicin bulsho, iyo dhaqammo ka hor imaanaya anshaxa,” ayey tiri Caasha.
Waxay intaas ku dartay in inkasta oo Soomaaliya aysan weli sharci gaar ah ka soo saarin isticmaalka baraha bulshada, haddana ay dowladda dhowaan xirtay dhalinyaro muuqaaladooda lagu tilmaamay kuwo bulsho kicin ah.
Najax Faarax, oo ka mid ahayd ka qaybgalayaasha doodda, ayaa iyaduna sheegtay:
“Waxaa muhiim ah in qofkii wax qaldan sameeya la hor keeno sharciga. Gabdhihii la xukumay waxay tusaale u noqon karaan in baraha bulshada si masuuliyadi ku jirto loo adeegsado.”
Inkasta oo dooddaasi lagu kala aragti duwanaa, haddana waxaa laga mideysnaa baahida loo qabo in la xoojiyo wacyigelinta ku saabsan masuuliyadda isticmaalka baraha bulshada, iyo in la sameeyo sharciyo cad oo hagaya dhaqanka bulshada ee dijitaalka ah.

W/Q: Farhiyo Muraad
Bilan Media