Barakac ka socda gobolka Waqooyi Bari ee Kenya

Qaar ka mid ah Macalimiinta gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa bilaabay in ay qaxaan ka dib markii ay sheegeen in dhowr jeer ay beegsadeen xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Guddi ka mid ah Guddiyadda Macalimiinta dalka Kenya ayaa sheegay in ay bilaabeen in ay Macalimiinta kasoo saaraan gobolka Waqooyi bari degaanada ay kaga sugan yihiin Maadaama ay kordheen Weerarada Al-Shabaab.

Sidoo kale dadka aan Muslimiinta aheyn ayaa bilaabay in ay ka barakacaan degaanada gobolka Waqooyi Bari, islamarkaana ay gaaraan qeybo kale oo ka mid ah dalka Kenya.

Tiro badan oo ka mid ah dadka degaanka ayaa shalay iyo xalay ka baxay gobolka Waqooyi Bari, waxaana ay sheegeen hadii ay Shabaab qabtaan in ay dilayaan.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa wariyeyaasha u xaqiijiyay in dadka barakacay ay ka badan yihiin boqol qoys.

Maalmo ka hor ayay aheyd Markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Macalimiin ku sugnaa gobolka Waqooyi ee dalka Kenya.