Barcad Badeed Soomaali ah Oo laga qabtay Xeebaha Puntland oo la geeyay Dalka Hindiya.

War cusub ayaa kasoo kordhay xaaladda burcad badeed Soomaali ah oo todobaadkii hore u gacan galay ciidamada badda Hindiya, kadib howlgal culus oo ka dhacay xeebaha bari ee maamulka Puntland.

Burcadda oo afduub ahaan u haysatay markab lagu magacaabo MV Ruen ayaa ugu dambeyn maanta la geeyay magaalada Mumbai, sida ay sheegeen ciidamada badda ee dalka Hindiya.

Markab nooca dagaalka ah oo lagu magacaabo INS Kolkata kooxdan geeyay magaalada Mumbai, kuwaas oo ay tiradoodu gaareyso illaa 35 burcad badeed ah.

Sidoo kale waxaa bilaaban doonta maxkamadeyntooda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Howlgalka lagu soo qabtay kooxdan ayaa qaatay illaa 40 saacadood oo gacan ka hadal ah, waxaana fuliyey Markabka dagaalka ee INSSubhadra oo ay caawinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa ilaalada ee aan duuliyaha lahayn.

Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

Markabka MV Ruen, ayaa waxaa laga leeyahay dalka Bulgaariya, balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamiga ah dhammaadkii sanadkii 2023-kii.