Sawir Qaade Ka Tirsan Reuters Oo Kashifay In Jamaahiirta CSKA Moscow Ay Dhawaqa Dameerka Ku Cunsureen Laba Ka Mid Ah Xidigaha Arsenal

Qeyb ka mid ah jamaahiirta CSKA Moscow ayaa cunsuriyad kula kacay laba ka mid ah xidigaha Arsenal intii ay socotay ciyaartii lugta labaad ee wareega quarter final-ka koobka UEFA EuropaL League, sida ay ka dhawaajisay wakaaladda wararka Reuters.

Sida laga soo xigtay wakaaladda, sawir qaade ka tirsan oo ku sugnaa garoonka ayaa si weyn marqaati ugu noqday inuu maqlay dhawaq dameer oo matalaad ah isla markaana lagu cunsurayo labada xidig ee Alex Iwobi iyo Danny Welbeck.

Marqaatiga wuxuu sheegay in qeyb ka mid ah jamaahiirta oo fadhiyay meel uusan si wacan u tilmaamin ay halmar isla jiibiyeen dhawaqa xayawaanka si ay cunsuriyad uga dhigaan labada xidig ee maowga ah.

Arsene Wenger iyo wiilashiisa ayaa qarka u fuulay in gabi ahaan laga reebo koobka Europa League kadib markii natiijo 2-0 ah la geeyay, waxeyna kooxda reer Russia kaliya u baahneed iney hesho gool qura oo ay daaqada kaga tuurto kooxda reer England, balse Danny Welbeck ayaa dilay rajada kooxda martida loo ahaa halka Ramsey uu isna daqiiqadi 90-aad shabaqa dhex dhigay kubad barbardhac aheyd.

Dhawaqa waxaa si weyn looga maqlay gudaha garoonka markii Danny Welbeck uu u dabaal dagay goolka niyadda ka dilay CSKA Moscow, waana marka ay Gunners kasoo laabatay xaaladii qatarta aheyd sida uu qiray sawir qaadaha aan magaciisa ilaa iyo hadda la helin.

Sidoo kale marqaatiga wuxuu sheegay in xidig sadexaad oo kursiga keydka fadhiya ay beegsadeen jamaahiirta balse aan magaciisa lasoo helin.

Taageerayaasha kubadda cagta Russia ayaa looga maara la’yahay cunsuriyadda iyadoo la ogyahay in koobka Aduunka ay martigalin doonaan isla markaana ay imaan doonaan boqolaal ciyaartoy madow ah kuwaas oo kala matalaya wadamada ka qeyb galaya tartanka.

Dhanka kale UEFA ayaa u sheegay Reuters maalintii jimcaha aheyd in garsoorka kulanka uusan wax warbixin ah kusoo gudbin iney cunsuriyad ka dhacday ciyaarta.