Barcelona Oo Dooneysa Iney Xagaagan Iska Iibiso Luis Suarez Iyo Idaacadda Catalunya Oo Kashiftay Halka Arrin Ee Sababi Karta Tallaabadaas.

Barcelona ayaa dooneysa iney iska iibiso weeraryahanka reer Uruguay Luis Suarez, balse hal xaalad ayaa keeni karta iney iibiso waana hadii ay hesho xiddiga reer France Antoine Griezmann.

Weeraryahankii hore Reds ayaa afar sano oo guulo ah ku qaadanaya garoonka Camp Nou, fasalkaan wuxuu ka saaciday kooxda iney ku guuleysato Copa del Rey iyo La Liga isagoo dhaliyay dhamaan tartamada oo dhan 30-gool.

Luis Suarez ayaa ku yimid gobolka Catalonia aduun dhan 65 Malyan oo Pound tan iyo markaas wuxuu ka mid noqday xidigaha ugu muhiimsan kooxda.

 

Idaacadda Catalunya ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Balaugrana ay albaabka u furi doonaan Luis Suarez hadii ay helaan Antoine Griezmann oo si weyn loola xiriirinayo inuu imaan doono Camp Nou.

Griezmann heshiiskii uu saxiixay xagaagii laga soo gudbay waxaa lagu jabin karaa 200 Malyan oo Euro, balse hadii la gaaro 1-da July waxaa lagu jabin doonaa 100 Malyan oo Euro sida lagu heshiiyay.

Suarez wuxuu ka dhawaajiyay goor hore in imaatinka Griezmann uu aad ugu faraxsan yahay isla markaana uu aad usoo dhaweynayo saaxiibkiisa cusub, balse si kasta oo ay ahaato idaacadda Catalunya oo aad ugu dhaw Barcelona waxey leedahay albaabka ayaa loo furi doonaa.