Barlamaanka Dowlad Goboleedkaduv Galmudug ayaa mar labaad waqti kordhin u sameeyay soo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor taa oo ah waqtiga soo magacaabidda Gollaha Wasiiradda Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa hortagay Barlamaanka isaga oo ka wakiil ah Madaxweynaha Galmudug waxa uuna codsaday in muddo kordhin labaad lasiiyo Madaxda Galmudug si ay usoo magacabaan Gollaha Wasiiradda.
Sababta arintani keentay ayaa lagu sheegay dib u dhaca ku yimid Caleema saarka Madaxda Galmudug taa oo la xariirta saameynta uu Cudurka Coronavirus ku yeeshay ka qayb galayaasha Xafadda Caleemasaarka madaama isku imaadka Bulsho badan la hakiyay.