Barlamaanka Galmudug oo meesha ka saaray qodob iyaga xanibayay

Xillibaanadda Barlamaanka Galmudug ayaa Dood ay yeesheen muddo labo maalmood ah waxa ay ku badaleen qodobka 54aad Faqradiisa 4aad iyo Qodobka 30aad Faqradiisa 4aad ee Dastuurka dawlad goboleedka Galmudug kaa oo dhigayay in Xillibaanadda Barlamaanka Galmudug aysan ka qeyb noqon karin Gollaha Wasiiradda Galmudug.

56 xillibaan oo maanta joogtay fadhiga Barlamaanka Galmudug ayaa dhamaantood u codeeyay in qodobkaas laga saaro meesha, wixii hadda ka danbeeyana ay Xillibaanadda Galmudug ay isku noqon karaan Wasiir iyo Xillibaan.

Fadhigga waxaa maanta si wada jir ah u shir gudoomiyay Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barmamaanka Faadumo Faandhe.