Barlamaanka Galmudug oo ogolaaday muddo kordhinta waqtiga magacaabista Wasiiradda Galmudug

Baarlmaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaan maanta yeeshay kulankiisii Caadiga ahaa kaasi oo looga dooday mudo kordhin uu dalbaday Madaxweynahay Galmudug ee ku aadan mudada soo dhisida Gollaha Wasiirada.

Kulankii maanta oo ay soo xaadireen 52 mudane ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug waxaana xildhibaanada horyimid Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid kaasi oo wakiil ka ahaa Madaxweyne Qoor-qoor.

Dood dheer kadib xildhibaanada Baarlmaanka ayaa Cod aqlabiyad ah ku ansixiyey mudo kordhinta uu Codsaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor uuna ku dalbaday in mudo 30 cisho ah loogu daro inta uu so dhisayo Gollaha Wasiirada Xukuumada Galmudug.