Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ka qeyb galay aas qaran oo magaalada Baidoa loogu sameeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaaladaas.
Saraakiisha la aasay ayaa kala ahaa taliyeyaasha Guutooyinka 8-aad iyo 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo lagu tilmaamay geesiyaal naftooda u huray difaaca shacabka iyo sugidda amniga deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed.
Munaasabadda aas-qaranka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka, masuuliyiin ka socotay Dowladda Koonfur Galbeed, saraakiisha ciidamada qalabka sida, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa dhammaantood muujiyay murugada iyo tacsida ay la wadaagayaan qoysaska, ehellada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa sheegay in saraakiishii shahiiday ay door weyn ka qaateen dagaalka lagula jiro kooxaha nabad-diidka ah iyo ilaalinta xasilloonida dalka, isagoo ku tilmaamay halyeeyo qaran oo si geesinimo leh ugu naf waayay waajibaadkooda ciidanimo.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka ku bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha argagixisada ah, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si buuxda u taageeraan ciidamada qalabka sida si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.
Ugu dambeyn, Hoggaamiye Jibriil ayaa Alle uga baryay saraakiishii geeriyootay inuu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaan buuxana ka siiyo dhammaan qoysaskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen.