Beesha Caalamka oo War ka soo saarey xaalka Galmudug & doorashada

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb Donald Yamamoto ayaa qoraal uu soo saarey waxaa uu kaga hadlay xaalada cakiran ee Maamulka Galmudug iyo doorashada maanta la filayo inay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.

Amb Yamamoto waxaa uu sheegay inay si dhow ula socdaan howlaha ka socda Dhuusamareeb,wuxuuna ugu baaqay dhinacyada iska soo horjeeda in ay ka fogaadaan wax walba oo rabshado sababi kara, isla markaaana la wada hadlo.

“Mareykanka si dhow ayuu ula socdaa waxa ka socda Dhuusaareeb,waana uu ka walaacsan yahay,hayeeshee waxaan ugu baaqayaa dhinacyada is khilaafsan in wax walba ay wada-hadal ku dhameeyaan ayuu yiri”wuxuuna ugu baaqay dhinacyada iska soo horjeeda in ay ka fogaadaan wax walba oo rabshad sababi kara isla markaaana la wada hadlo.

Deegaanada Galmudug waxaa xilligaan ka jira khilaaf xoogan oo ka dhasha doorada Galmudug,waxana dad badan ay walaac ka muujiyeen khilaafka sii xoogeystay,iyaga oo dowladda ugu baaqay inay hakiso howlaah doorasho ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb.