Shaqaale Ku Dhintay Guri Ay Dhisayeen M/Baladweyne+sawiro

 Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku geeryooday halka ay ku dhaawacmeen ilaa Shan qof oo kale, kadib markii uu ku soo dumay Darbi ku yaalla Suuqa Xoolaha ee xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.

Dadkan dhibaatada ay qabsatay ayaa waxa ay isugu jiraan dad Xoolo u iib keenay Suuqa, iyo kuwo Suuqa ku iibinayay Xoolaha, waxayna isugu jireen Haween iyo Rag halkaasi ku ganacsanayay.

Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi Cusmaan (Macalin Khalaafow) ayaa waxa uu sheegay dadaal dheer kadib oo ay sameeyeen in ay badbaadiyeen dad badan, oo dhismaha ku hoos jiray, balse khasaare kala duwan uu jiro.

Wuxuu sheegay marka uu dhismaha soo dumay in ay dalbadeen Katarbiilayaal lagu daabulo darbiga soo dumay, balse inta ayan halkaasi soo gaarin ay shacabka u gurmadeen dadkii ay dhibaatada qabsatay.

Macalin Khalaafow ayaa wuxuu sheegay in dhismahan soo dumay uu dilay Hal qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa Shan kale, kuwaasi oo loo qaaday Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne, si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu Darbiga ku soo dumay ayaa waxa ay muujinayeen iyada oo shacabka ay sameynayeen gargaar, sidoo kale goobta waxaa tagay oo xaalada soo qiimeeyay Maamulka degmada iyo kan Gobolka Hiiraan.