Bilan Media: Codka Haweenka Soomaaliyeed ee Warbaahinta Caalamiga ah

Hinda Cabdi Maxamuud & Ifraax Ciise Maxamed

WARBAAHIN CAALAMI AH:
In ka yar saddex sano kahor, magaca Bilan Media ma uusan jirin. Maanta, kooxdeena yar oo ka kooban lix gabdhood oo suxufiyiin ah kuna sugan Muqdisho ayaa kasoo muuqatay masraxa warbaahinta caalamka. Waxay ku guuleysteen Abaalmarinta Hal-abuurka Saxaafadda Xorta ah ee Warbaahinta Adduunka — abaalmarin aad u adag oo heer sare ah.

Soomaaliya waa mid ka mid ah meelaha ugu khatarsan caalamka ee suxufi laga noqdo — xitaa sii khatar badan haddii aad tahay haweeney. Sidaas darteed, abaalmarintan macnaheedu waa wax ka badan koob iyo shahaado — waa caddayn muujineysa in naga go’an tahay in aan sameyno saxaafad cabsi la’aan ah, oo xor ah.

Marka laga reebo in sumcadeena kor loo qaaday, abaalmarintan waxay fursad noo siisay inaan cod siino bulshooyinka Soomaaliyeed — si aan u gudbino sheekooyinkooda. Waxay kaloo xoojineysaa muhiimadda ay leedahay xorriyadda saxaafaddu, gaar ahaan marka laga shaqeynayo duruufo adag. Doorarka Bilan waa in ay bulshada u sheegaan xaqiiqda, oo ay cod u noqdaan dadka aan codka la siinin — inkastoo aan maalin walba wajahno khataro shaqadeena darteed. Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay la kulmaan cabsi gelin, xarig, iyo tacaddiyo joogto ah.

Xorriyadda saxaafaddu kaliya maaha xuquuq — waa furaha dimuqraadiyadda, waxayna horseed u tahay horumar bulsho. Waxaan aragnay in warbixinno aan ka sameynay baras, HIV/AIDS, hooyooyinka agoomaha ah, iyo waxbarasho la’aanta xilliga caadada ay keeneen isbeddel bulsho iyo ballanqaadyo rasmi ah oo kasoo baxay dowladda.

Waa in aan madaxda la xisaabtannaa — si joogto ah ayaan su’aalo u weydiinaynaa ballanqaadyadooda, iyo haddii aysan weli fulin, goorta ay damacsan yihiin inay fuliyaan.

Abaalmarintan kaliya ma aysan muujin Bilan oo caalamka la baray — balse waxay dhiirrigelisay suxufiyiinta kale ee Soomaaliyeed inay dadaalaan si ay u helaan aqoonsi la mid ah. Abaalmarintan waa mid wadaag ah — waxay meteshaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ee raadiya runta.

Waxyaabaha kale oo ay abaalmarintan naga beddeshay waxaa ka mid ah fahamka bulshada ee ku saabsan shaqadeena. Qaar badan oo kamid ah bulshadeena — xitaa qoysaskeena iyo asxaabteena — horay way uga soo horjeedeen shaqadeena. Hadda, guushaan waxay nagu keentay ixtiraam iyo taageero dadweyne. Bilan waxay dumarka suxufiyiinta ah siisay meel ay ku gudbiyaan sheekooyinkooda — gudaha iyo dibaddaba. Gabdhaha ka shaqeeya warbaahinta waxay la kulmaan takoorid iyo cadaadis joogto ah.

Maanta, waxaan haysanaa xorriyad iyo madal aan ku dooranno sheekooyinka aan rabno, iyo sida aan u gudbino. Si ka duwan inta badan warbaahinta Soomaalida, Bilan ma xooga saarto siyaasadda iyo khilaafaadka. Waxaan haynaa awood buuxda oo aan ku maamulno qorista, duubista, iyo tafatirka warbixintaheena.

Shaqadeenu waa mid adag oo mararka qaar niyad jab leh. Maalin walba waxaan la kulannaa caqabado — aflagaado, su’aalo la xiriira sababta aan guriga ugu nagaan waynay, sababta aanan u karin karin, ama caruurta u daryeelayn. Dad badan weli waxay u arkaan in suxufinimadu aanay dumarka u qalmin.

Laakiin guushan weyn ee aan gaarney waxay nagu dhiirrigelisay inaan sii wadno raadinta xaqiiqda, aanna siino fursad cod la’aanta — si ay u sheegaan sheekooyinkooda, una helaan caddaalad iyo garnaqsi.