Biyo La’aan ka jirta degaano ka tirsan Hirshabeelle

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in biyo la’aan ay ka jirto degaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Waxaa uu sheegay in markii Wabiga uu guray in dadka kunool tuulooyin ku yaalla duleedka magaalada Jowhar in ay soo wajahday biyo La’aan baahsan.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi ay u baahan yihiin in si deg deg ah loo caawiyo Maadaama ay dhibaateysan yihiin.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in lasoo caawiyo dadkaasi, isagoona sheegay in maamulka Hirshabeelle ay qaadan doonaan doorkooda ku aadan badbaadinta dadkaasi.

Degaano badan oo ku yaalla Duleedyadda Magaalooyinka Baledweyne iyo sidoo kale Jowhar ayaa xilliggaan waxaa ka jira Biyo La’aan Ba’an ka dib markii uu guray Wabiga Shabeelle.