Boliiska Beledweyne Oo Xabsiga dhigay Qaar Kamid ah odayaashii u tegay Al-Shabaab

Ciidamada Booliska Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Xabsiga dhigeen tobaneeyo ka mid ah Odayaashii soo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,hayeeshee dhawaan tegay deegaannada Al-Shabaab lana kulmay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in iyaga oo fulinaya amar kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybteeda 27aad ay Xabsiga dhigeen dhowr iyo toban ka mid ah ergadii soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaas oo markii ay la soo kulmeen Al-Shabaab dib ugu soo laabtay Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Ciidamada Ammaanka Magalada Baladweyne ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan inay wadaan howlgal lagu baadi goobayo qaar ka mid ah Odayaashii la kulmay Al-Shabaab oo ku sugan Magalada Baladweyne.

Howlgalkaan ka dhan ah Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya balse la kulmay Al-Shabaab kana bilaawday gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya xilli shalay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay soo saartay awaamir ka dhan ah Adayaasha dhaqanka soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya ee tegay deegaannada ay joogaan Ururka Al-Shabaab.